Waxaa maanta magaalada Garoonka Diyaaradaha magaalada Gaalkacyo kulan ku yeeshay madaxweynayaasha maamulka Galmudug iyo Puntland.
Kulanka oo ay goobjoog ka ahaayeen wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, wakiilada beesha caalamka iyo Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid ayaa looga hadlay sidii xal loogu heli lahaa colaadda ka tagaan magaalada Gaalkacyo.
Shirka ayaa laga soo saaray saddex oo la mida kuwii lagu gaaray magaalada Abu Dhabi ee fuli waayay oo kala ahaa:
- Xabad joojin & in ciidamada la kala qaado
- Guddi isku dhaf ah oo labada dhinac ah oo la sameeyo
- Shir la isugu yimaado magaalada Kismaayo 20-ka bishan
DAAWO SAWIRRO