Markab weyn oo nooca xamuulka ah ayaa qarka u saaran inuu ku caariyo Badda kadib markii uu kusoo xiran waayay Dekadda weyn ee magaalada Muqdisho.
Wararka laga helayo Dekadda ayaa sheegaya in Markabka oo lagu magacaabo KUMARI oo ah mid aad u dhumuc weyn ayaan noociisa oo kale weli u imaan dekadda, waxaana ugu wacay iyadoo dekadda Muqdisho ay muddo dheer heysato dayactir la’aan keentay inay ciid iyo biro buuxiyaan meelaha loogu talogalay inay ku soo xirtaan dekadda.
Waxaa dekadda ka howlgala taagag ay dowladda Jabuuti ugu deeqday Soomaaliya kuwaasoo dadaal ugu jira caawa oo dhan inay Markanka u soo jiidaan dhinaca dekadda.
Dhowaan ayay ahayd markii markab kale halis u galay inuu caariyo iyadoo mar danbe lagu guuleystay in lagu soo xiro dekadda, waxayna injineerada Dekadda sheegayaan haddii uu markabkan caariyo inuu sababi weydo halis weyn oo ah in dekadda qeyb ahaan xirato.
Arrintan ayaa muujineysa sida dekadda Muqdisho oo ah isha ugu weyn ee dhaqaalaha kasoo galo dowladda Soomaaliya ay ugu baaahan tahay dayactir degdeg, iyadoo shirkadda gacanta ku heysa ee Al-beyrak oo Turki ah aanay wax weyn ka qaban.
DAAWO MARKABKA