Dekadda magaalada Muqdisho oo ah tan ugu ballaaran ee dalka Somalia kana soo gegaan badeecadaha inta badan ee gobolada dalka ayaa waxaa laga dareemayaa horumar ballaaran iyo ballaarin lagu sameeyay qeybaha ay ka kooban tahay.
Maamulka dekadda Muqdisho oo gacanta ay ku hayso shirkadda Albayrak ee dalka Turkiga laga leeyahay ayaa waxay kusoo kordhisay qalab casri ah iyo ballaarin lagu sameeyay, waxaana shaki ku jirin in dekadda Muqdisho xiligaan tahay mid caalami ah.
Laakiin shirkadda Albayrak tan laga dhaxlay ayaa ah in muruq-maalkii Soomaaliyeed ay lasoo deristay shaqo la’aan, waxaana booskoodii buuxiyay qalab electronic oo si fudud u qabanaya shaqadii ay ku noolaayeen muruqmaalkii Soomaaliyeed.
Isha: Warfaafiye