Friday, June 27, 2025

SAWIRRO/VIDEO: Qaraxyadii Magaalada Gaalkacyo ee qasaaraha badan dhaliyay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa qaraxyadii maanta ka dhacay Magaalada Gaalkacyo iyadoo dadka ku dhintay ay gaarayaan in ka badan 22 qof & dhaawac 40 kale.

Qaraxyada ayaa midka hore lala beegsaday xarunta dowladda hoose ee magaaladaasi, halkaasoo waxyeelo ka soo gaaray dadkii ku sugnaa xarunta, kadibna waxaa gaari goobta ku diyaarsanaa lagu qarxiyay dadkii isu soo baxay.

Dadka ugu badan ayaa la soo shegeay inay ku dhinteen qaraxii Labaad oo loo adeegsaday gaari NOAH ah oo miineysan, kaasoo la sheegayh in ciidamada ammaanka ay rasaas ku rideen.

Qarax-Gaalkacyo.2Qarax-Gaalkacyo

Qarax-Gaalkacyo1Qarax-Gaalkacyo3Waxaa la soo weriyay in dadka dhintay ay ku jiraan dhammaan dableydii weerarka soo qaaday, ciidamada ammaanka iyo dad shacab ah.

Wararka qaar ayaa sheegaya inay  weerarka ay dhaawacyo ka soo gaareen mas’uuliyiin ka tirsan magaalada Gaalkacyo.

Weerarkan ayaa lagu soo beegay iyada oo magalada Gaalkacyo ay dhowaan tageen ciidamada DANAB ee dowladda Soomaaliya, isla markaana ay ka socdeen howlgallo ay wada fulinayaan ciidamadaasi iyo kuwa ciidamada PSF.

Akhri: Wararkii ugu danbeeyay ee Qaraxa Gaalkacyo

https://www.youtube.com/watch?v=h29hMAJ0wKU

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON