Madaafiic hoobiyeyaal ah oo maanta lagu weeraray xarunta Xalane ayaa qasaare u geystay dhismooyinka Xafiisyada UN-ka ee Giudaha Xalane.
Sawirradii ugu horeeyay ee laga helay Xalane ayaa muujinaya in qaar ka mida hoobiyeyaasha ay ku dhaceen xafiisyo iyo guryo la seexdo, iyagoo qasaare gaarsiiyey agabkii guryahaasi, waxaana wararka qaarkood sheegayaan in laba qof ay ku dhaawacmeen hoobiyeyaasha.
Kooxda Alshabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka madaafiicda ee lagu qaaday Xalane, waxayna sheegtay inay 7 madfac ku duqeysayn halkaasi, qasaaren ay geysteen.
HOOS KA DAAWO SAWIRRADA