Tuesday, August 26, 2025

DAAWO SAWIRRO: Raashinka iyo Wax-soo saarka Turkiga oo buuxiyay Suuqyada Dalka Qatar

Kadib markii ay qaraxay xiisada diblomaasiyadeed ee Khaliijka oo Sacuudiga, Imaaraadka, Baxreyn iyo Masar ay xiriirkii u jareen dalka Qatar ayna go’doomiyeen dalkaasi yar ayaa waxaa soo baxay dalalka garab istaagay.

Turkiga ayaa ugu weyn dalalka taageeray Qatar oo siyaasad ahaan iyo dahqaale ahaan garab istaagay, waxaana hadda suuqyada dalkaasi buuxiyay wax soosaarka dalka Turkiga.

Diyaaradaha xamuulka Turkiga iyo Qatar ayaa kumanaan tan oo raashin kala nooc geeyay dalka Qatar, waxayna dadka dalkaasi sheegeen inay markii ugu horeysay ay isticmaalayaan raashin lagu sameeyay dalka Turkiga.

Qatar oo xuduudka dhulka la wadaagta kaliya dalka Sacuudiga ayaa hore ugu tiirsanaa cuntada iyo biyaha uga yimaada Sacuudiga.

DAAWO SAWIRRO

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON