Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad u jeediyay boqolaal dadweyne ah oo Salaadda Ciidul firtiga maanta ku tukaday Masjidka Isbaheysiga Islaamka ayaa hamblayo u diray muslimiinta iyo shacabka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha ayaa dhinaca kale ka digay kooxaha argixisada, isagoo sheegay in dagaalka argagixisada diinta ku soo duushay uu meel waliba gaaray mar haddii ay isku qarxiyeen Masjidkii Rasuulka SCW.
Madaxweyne Xasan Sh Maxamuud ayaa ugu horrey Alle weydiistay in uu naga aqbalo Cibaadadii aan soo sammeynay bishii barakeysneyd ee Ramadaan, wuxuuna kula dardaarmay shacabka soomaaliyeed in ay isku samafaalaan oo gacan la siiyo qoysaska Taagta daran ee maanta caruurtooda aysan la ciideynin kuwa ilaahay wax siiyay.
“Umadda Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah Waajibaadkii ay soo sammeeyeen alle haka aqbalo, waxaan isugu dardaarmeynaa in laga wada farxiyo maanta dadka liita ee aan awoodin in ay farxadda la qeybsadaan dadka uu ilaahay u nicmeeyay”ayuu yiri Madaxweynaha
DAAWO SAWIRRO
Goobjooge.com