Shir looga hadlay xaaladda abaaraha Soomaaliya ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.
Kulanka waxaa guddoominayay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre, Madaxda dawladdaha xubinta ka ah DFS , Gobolka Banaadir iyo guddiga gurmadka abaaraha heer Fadaraalka.
Ra’iisul wasaaraha DFS Mudane. Xasan Cali Khayre oo kahadlay madasha ayaa dhankiisa sheegay in ay Soomaalidu hore u xoraysay dalkeeda iyagoo isku duuban oo halmida kana midaysan Soocelinta xuriyada dalkooda hooyo, maantana sidaasi si lamida loo baahan yahay in meel looga soo wada jeesto gurmadka loofidinaayo dadka abaaruhu sameeyeen.
Madaxweynayaasha maamulada dalka iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa mid mid uga hadlay xaaladda abaarta iyo go’aanadii ay gaareen oo ay sheegeen inay dhamantood ka midaysnaayeen in meel looga soo wada jeesto gurmadka loo fidinaayo ummadda Soomaaliyeed ee dhibaatadu haysato.
DAAWO SAWIRRDA