Shirka madasha hoggaamiyeyaasha Qaranka iyo dowlad gobolleedyada ayaa ka furmay magaalada Muqdisho, kaas oo lagu dhammeystirayo dhaqangelinta howlaha doorashooyinka guud ee Soomaaliya.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa furay shirka, waxaana ku sugnaa guddoomiyaha Barlamaanka, Ra’iisul wasaaraha, Ra’iisul wasaare ku xigeenka, madxweyneyaasha dowlad gobolleedyada dalka iyo xubnaha Beesha Caalamka.
Madaxweynaha ayaa khubaddiisa furitaanka ka jeediyey shirka waxa uu ka hadlay madaxweynaha in shirkaan lagu soo gabogabeynayo howlaha ugu muhiimsan ee lagu dhaqangelinayo qabsoomidda doorashooyinka Soomaaliya.
Wuxuu sheegay in dowladda Federaalka iyo kuwa gobollada in ay xoogga saari doonaan dardargelinta barnaamijka amniga marxaladda doorashooyinka, waxa uu tilmaamay in la qaadi doono tallaabooyin adag oo looga jawaabayo loogana hortagato ficillada argagixisada ay damacsan yihiin.
Madaxweynaha J.F Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed looga baahan in ay u istaagaan ka qeyb-qaadasha hirgelinta doorashooyinka dalka ka dhacaya, isagoo rajo weyn ka muujiyey in lagu guuleysan doono howlaha adag ee la qaban doono bilaha soo socda.
Dhanka kale Ereyga Q.M u qaabilsan Soomaaliya Micheal keating, ayaa sheegay in horumar weyn uu u muuqda, waxa uu sheegay in beesha caalamka ay kalsooni buuxdo ka heshay madaxda qaranka iyo dowlad gobolleedyada oo ka tashanaya sidii meel wanaagsan loo marin lahaa masiirka ummadda, waxa uu carrabka ku adkeeyey in beesha caalamka ay soo dadajin doono wax walba oo fududeynaya hirgalinta doorashooyinka si nabadgelyo leh.
Michel Keating sheegay in xaqiijinta ammaanka Soomaaliya iyo taakuleynta ciidammada Qalabka sida ay xoogga saari doonaan, isla markaana saddex ajendeba lagu howlgeli doono, siyaasadda, horumarinta ammaanka iyo dib u dhiska dalka Soomaaliya.
SAWIRRO
Goobjooge.com