Dowladda Turkiga ayaa Safaarad ka mida kuwa ugu qurxoon ka dhisaneysa Magaalada Muqdisho, iyadoo ay hadda howshaasi gabagabo tahay oo lagu wado in billaha soo socda si rasmi ah loo furo .
Dhismahan oo iminka gacanta lagu haayo, ayaa waxaa laga hirgelinayaa Degmada C/casiis ee Magaalada Muqdisho oo dacalka ku haya xeebta Badweyne India, waana dhismo ay indhahaagu soo jiidanayaan oo weyn loo naqshadeeyay.
Diblomaasiyiinta Turkida, ayaa xilligan ka hawlgala Safaarad ku meel gaar ah oo ay ku lee yihiin Degmada Hodan, dhawaana ay u guuri doonaan midka cusub ee dhismuhu uu ku soconayo.
Ra’iisal wasaarihii hore e Turkiga haddana ah madaxweynaha dalkaasi Rajab Dayib Ordogan ayaa socdaalkii ugu danbeeyay ee Muqdisho shaaciyay in Turkiga uu dhisme balaaran ka dhisanayo Soomaaliya ayna noqon doonto mid ka mida safaaradihiisa ugu waaweyn ee caalamka. isagoo markaasi ceebeeyay dowladaha waaweyn ee safaaradahooda kadhigay Konteernaro dhex yaala Xalane iyo Garoonka diyaaradaha dhexdiisa.
Goobjooge.com