Monday, July 14, 2025

Daawo Sawirro: Wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya oo lagu soo dhoweeyay Sacuudiga

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo oo socdaal shaqo ku jooga boqortooyada Sacuudiga ayaa la filayaa inuu maanta uu kulan la qaato boqorka Sacuudiga boqor Salmaan bin Cabdul casiis.

Wafadiga madaxweynaha waxaa ka mida wasiirka arrimaha dibadda, wasiirka maaliyadda, wasiirka warfaafinta, taliyaha nabadsugidda iyo xubno kale, waxaana socdaalkoodu yahay mid Sacuudigu dalbaday si uu ugala hadlo xaaladda dalka Yeman.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya magaalada Riyadh ee dalka Boqortooyada Sacuudiga Danjire Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay in Madaxweynaha ay la kulmi doono Amiirka boqortooyada Sacuudiga, iyagoo ka wada hadli doona xiriirka Soomaaliya iyo Sacuudiga iyo guud ahaan iskaashiga dalalka Carabta sida arrimaha wadanka Yemen iyo falalka kale ee argagixisada ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ay safarkiisa ku wehliyaan Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Wasiirka Maaliyadda Maxamed Aadan Ibraahim Fargeeti iyo taliyaha ciidanka Nabadsugida Qaranka Cabdiraxmaan Tuuryare ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Riyadh ee dalka boqortooyada Sacuudiga, halkaas oo ay casuumaad rasmi ah ka heleen, waxaana Wasiirada la socda Madaxweynaha ay kulamo gaar gaar ah la qaadan doonaan dhigooda Sacuudiga.

DAAWO SAWIRRO

IB0A6412

IB0A6416

IB0A6424

IB0A6425

IB0A6430

IB0A6434

IB0A6438

IB0A6440

IB0A6444

IB0A6448

IB0A6451

IB0A6457

IB0A6460

IB0A6464

IB0A6468

IB0A6471

 

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON