Tuesday, July 8, 2025

DAAWO SAWIRRO: Wafdigii dowladda Federaalka oo booqday magaalada Beledxaawo

Wafdi ka socda dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu Hogaaminayay Wasiirka Gaashaandhigga C/qaadir Sheekh Cali Diini iyo Xildhibaanadii ka tirsanaa Baarlamaanka ayaa maanta booqday Beledxaawo iyo Doolow.

Wafdiga dowladda Federaalka ayaa kulamo la yeeshay mas’uuliyiinta iyo waxgaradka Beledxaawo, waxayna kulamadii ka dhacay degaankaasi kadib ay ka hadleen wixii ay ku soo arkeen degmada Beledxaawo. 

Guddoomiyaha Guddiga Difaaca ee Baarlamaanka Xildhibaan Xuseen Carab Ciise iyo Gudoomiye Ku-xigeenka Guddiga Arrimaha Dibadda ee Baarlamaanka Xildhibaan Prof. Maxamed Cumar Dhalxa ayaa sheegay inay marqaati ka soo noqdeen xadgudub cad oo ay Kenya ku sameysay Xuduuda dalkeena iyagoo ku caddeeyay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay inay u istaagaan sidii ay uga hortegi lahaayeen xadgudubyada dhuleed ee dowladda Kenya ka wado xuduudka Soomaaliya.

Gudoomiyaha Degmada Baledxaawo Col. Yuusuf Maxamed C/qaadir (Kaanti) ayaa uga mahad celiyay masuuliyiinta tagtay Beledxaawo sida wanaagsan ee ay u  ajiibeen baaqii maamul ahaan u jeediyeen Dowladda Soomaaliya.

Wafdiga dowladda Fedraalka oo caawa ku sugan Degmada Doolow  ayaa halkaasi lagu soo dhoweeyay, waxaana la filayaa in maalinta berito ah ay dib ugu laabtaan Magaalada Muqdisho, iyagoo uga warbixin doona waxyaabihii ay  ku soo arkeen degaanadii ay booqdeen. Wasiir Diini ayaa sheegay in Kenya ay ku soo xadgudubtay dhulka Soomaaliyeed taasoo aan loo dulqaadan karin xadgudubka heerkaasi gaarsiisan ee ay Kenya ka wado xuduuda kala qeybisa labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya.

 

DAAWO SAWIRRO

1nn1n2n3n4n5n6

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON