Sheekh ka mida culimada Azhar ee dalka Masar ayaa shaqadii laga joojiyay kadib markii si toos ah hees uga qaaday barnaamij u ka qeyb galay oo toos uga teleshin ku yaalla dalka Masar.
Sheekhan oo lagu magacaabo Iihaab Yuunis C/raxmaan ayaa marti ku ahaa barnaamijka “ست الحسن” ee ka baxa telefishanka ONTV ee dalka Masar, wuxuuna qaaday heeska fannaaanada caanka ah ee reer Masar Umu Kaltuum ee “لسة فاكر” isagoo xiran lebiska culimada Azhar AlShariif.
Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha diinta dalka Masar ayaa shaqadii ka joojisay Sheekhan, iyadoo loo diray baaritaan, isla markaana gebi ahaan laga mamnuucay inuu casharo diini ah akhriyo, inuu imaam noqdo ama uu Khudbado jeediyo.
HOOS KA DAAWO SHEEKHA OO HEESAYA