Haweeneyda sanad ka hor shaacisay inay tahay musharax Madaxweyne Faaduma Dayib oo degan dalka Finland ayaa ku faraxsan inay been taariikheed suuqa gashay oo haddana ay u iibsantay.
Warbaahinta caalamka ayaa ugu yeertay: “HAWEENEYDII UGU HOREYSAY EE ISU SOO SHARAXDA XILKA MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA”.
Waxaa la yaab leh in Faaduma Dayib ay taariikhda been ka sheegto iyadoo weliba xaq ay lahaayeen ka qaadeysa Dumar Soomaaliyeed oo uga horeeyay dadaalka ay ku jirto, taasoo su’aal gelineysa sida ay xaq dumarka ugu doodi karto.

Doorashadii ka dhacday dalka Kenya sanadkii 2004-tii ma dheereyn markii ay haween Soomaaliyeed isu sharxeen xilkaasi oo weliba tartanka galeen, waxaana laga xusi karaa Caasha Axmed Cabdalla oo iyadoo xildhibaan ah u tartantay xilka madaxweynaha Soomaaliya balse ku hartay wareegtii koowaad.
Goobjooge.com
Warar Xul ah