Tuesday, June 24, 2025

DAAWO VIDEO: Xaqiiqadii Hadalkii Sheekh Umal ka sheegay Maryan Qaasim & sida jaray ee loo bedelay

Waxaa si weyn baraha bulshada u qabsaday dood ka dhalatay hadal uu jeediyay Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo ku dhex jirtay warbixin safarkoodii magaalada Muqdisho iyo Guddiga gurmadka Soomaalida Kenya ay lacagtii loo ururiyay dadkii ku waxyeeloobay qarixii Kenya ay ku wareejiyeen Guddiga Gurmadka.

Hadalka Sheekh Umal ee ku saabsan is-casilaadda Wasiiradii Gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Maryan Qaasim ayaa yimid kadib markii su’aal laga weydiiyay is-casilaadeedii iyo inay ka timid culimada Guddiga ku jirtay ee howsha kala wareegtay.

Sheekha ayaa dadka weydiiyay wasiirada is casishay, wuxuuna ku jawaabay in haddii ay isu casishay shilimaad yar oo dad dhibaateysan loo wado ay ahayd in shaqada laga eryo, wuxuuna sii raaciyay inaysan arrintu sidaas ahayn oo dowladda qeyb weyn ay ka tahay, isla markaana aanay jirin cid shaqo isku heysatay.

Waxaa dhacday in hadalka sheekha lagu soo koobay “haddii ay isu casishay shilimaad yar oo dad dhibaateysan loo wado ay ahayd in shaqada laga eryo” iyadoo laga jaray su’aasha iyo hadalkii ka danbeeyay, taasoo keentay in intaas yar ay ka ganacsadaan dadka caadeystay aflagaadada culimada iyo madaxa iyo qaar kale oo ogaal la’aan uga dhex raftay.

Jawaabtii Maryan Qaasim ka bixisay hadallada Sheekh Umal laga faafiyay ayaa ahayd mid kooban iyadoo soo qaadatay Aayad qur’aan ah, taasoo hadda noqoneysa mid iyada xujo u ah oo aanay hubsan hadalka Sheekha oo dhameystiran.

HOOS KA DAAWO SU’AASHA IYO JAWAABTA SHEEKHA OO DHAMEYSTIRAN, KADIBNA DAAWO

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON