Wareysi laanta Afka Carabiga ee BBC-da la yeealatay Wasiiru dowlaha Arrimaha dibadda Imaaraadka Anwar Qarqaash ayaa xiisado siyaasadeed ka dhaliyay Soomaaliya iyo maamulka la baxay Somaliland.
Wareysiga oo Carabi ku baxay ayuu uga hadlay xaaladda diblomaasiyadeed ee ka dhex taagan Soomaaliya iyo Imaaraadka, isagoo sheegay in heshiiska balaarinta dekadda Berbera ay is-faham kala yeesheen dowladihii hore ee Soomaaliya.
Wasiir Qarqaash sooma hadal qaadin dowladaha hore ee uu sheegay iyo mas’uulka dowladda Federaalka ee ay isla ogaayeen, kanama hadlin heshiis ay la saxiixdeen dowladda federaalka, waxaana la yaab leh in Somaliland uu xisbiga Mucaaradka Wadani wareysigaasi ku tilmaamay khiyaano Qaran oo ay galeen madaxda Xisbiga Kulmiye.
Dhinaca kale shaqsiyaad kala duwan ayaa dowladii hore ee Xasan Sheekh iyo Cumar C/rashiid ku heysta inay heshiisyadaasi la gashay Imaaraadka iyadoo wasiiru aanu heshiis saxiixan ka hadlin, isla markaana aanu soo hadal qaadin saldhiga milateri ee Berbera.
HOOS KA DAAWO