Tuesday, June 24, 2025

DAAWO: Xujeydii ugu horeyay ee Soomaali ah oo u dhoofay Sacuudiga iyo Shirkad cusub oo qaaday

Xujeydii ugu horeysay ee Soomaali ah ayaa maanta u socdaalay gudashada waajibaadka xajka, iyagoo ka dhoofay magaalada Hargeysa.

ilaa 70 Xaaji ayaa shirkadda Ocean Airlines ay ka qaaday Garoonka Diyaaradaha Magaalada Hargeysa, iyagoo noqonaya xujeydii ugu horeysay Soomaalida ee sanadkan ka dhoofa dalka, kadib muran dheer oo ka dhashay hab maamuuska Xajka oo xukuumadda Soomaaliya iyo shirkadda Jubba Airways dhex maray.

Xujeyda maanta ka dhooftay magaalada Hargeysa ayaa la sheegay inay toos u tegayaan magaalada Medina, halka markii hore la geyn jiray magaalada Jiddah, kadibna ay safar dhulka ah geli jireen, waxaana shirkadda Ocean oo sanadkan ku cusub qaadista xujeyda ay sheegtay inay adeeg heer sare ay u diyaarisay xujeyda ay mas’uulka ka tahay iyadoo ku qaaday lacagtii xukuumadda Soomaaliya ay u qoondeysay ee ahayd $3300.

Shirkadda Ocean waxay sheegtay in Hotelo casri ah ay degi doonaan hoteelada, isla markaana ay heli doonaan adeeg hufan, waxaana diyaaradda qaaday xujeyd ay sidatay magaca shirkadda Airarabia oo ah shirkad caalami ah oo qiime hoose lagu raaco oo xarunteedu tahay Sharjah, Imaaradka Carabta, taasoo u muuqata inay heshiis la gashay Ocean Airlines.

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Diinta ee Soomaaliland Khaliil C/llaahi Axmed iyo Guddoomiyaha Shirkada Ocean Airline Cabdiqani Maxamuud Cali ayaa sagootiyey xujeydii maanta ka dhooftay Garoonka Hargeysa.

HOOS KA DAAWO

https://youtu.be/ZZkTvrg8rTQ

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON