Go’aankii ugu danbeeyay ayaa maanta lagu riday dhalinyaradii degmada Galdogob ee Gobolka Mudug ku kufsaday laba gabdhood oo kiiskoodu mid mid si weyn u faafay.
Guddi culimo ah oo kiiskan loo saaray ayaa ku dhawaaqay go’aanka laga gaaray kiiska kufsiga ah, waxaaana xukunka lagu fuliyaydhalinyaradaasi oo ku eedeysnaa inay kufsadeen Gabar 16-jir ah oo lagu magacaabo Ridaayo Saxardiid.
Goobta uu xukunka ka dhacay waxaa ku sugnaa wasiirro katirsan P maamulkauntland oo ay kamid yihiin Wasiirka Cadaalada Saalax Xabiib Jaamac, Wasiirka Haweenka Aniso Xaaji Muumin iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Gen. Cabdiqaadir Shire Faarax.
Ciidamo fara badan ayaa goobta la geeyay si fulinta xukunka ay u ilaaliyaan, waxaana la xukunka lagu fuliyay shan wiil oo dhalinyaro oo uu ka mid yahay wiil la dhashay Ex. Xildhibaan C/raxmaan Xoosh Jibriil, kaasoo 15 sano jir ah.
XUKUNKA LAGU FULIYAY & MAGACYADA DEMBIILAYAASHA HOOS KA AKHRISO
1- Shirwac Jaamac 10 Sano oo Xarig ah 200 oo Jeedal ah iyo lacag magdhow ah oo 4620$
2- Yaasir Maahir 6 sano oo Xarig ah iyo 200 oo Jeedal ah iyo lacag magdhow ah oo 3520$
3- Yaxye Cabdulaahi Awkax 7 Sano oo xarig ah iyo 100 Jeedal ah iyo lacag magdhow ah oo 1760$
4- Ayaale Wale 8 Sano iyo 100 Jeedal iyo lacag magdhow ah oo 2560$
5- Cabdirisaaq Xoosh Jabriil 5 Sano oo Xarig 100 jeedal iyo lacag magdhow ah oo 1760$
Lacagta magdhow ah ee loo xukumay gabdha:
- Ridwaab C/fitaax C/laahi 6080$
- Xamdi Abshir C/lle 8140$
Wararkii ugu danbeeyay ee laga helayo Galdogob ayaa sheegaya in markii lagu fuliyay xukunkaasi loo qaaday shanta dembiile Magaalada Garoowe oo la sheegay inay ku qaadanayaan xabsiga lagu xukumay.
DAAWO SAWIRRO
Goobjooge.com