Wednesday, June 25, 2025

DAAWO VIDEO: Yaa Kenya ka iibsaday Badda Soomaaliyeed C/raxmaan C/Shakuur Mise Cumar C/rashiid?

Waxaa dib u soo laabtay doodii ku saabsaneyd  in xilligii dowladii KMG ahayd ee Soomaaliya 2009 la iibsaday Badda Soomaaliyeed oo qeyb ka mida ay Kenya sheegatay, haddana dacwadiisu ka socoto Maxkamadda Cadaaladda Adduunka.

Arrintan ayaa salka ku heysa heshiis is-afgarad ah (MOU) oo ay kala saxiixdeen dowladaha Soomaaliya iyo Kenya, heshiiskaas oo loo aaneynayo inuu jidka u furay muran ah gasho lahaanshaha Badda Soomaaliyeed qeybta xuduudka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, waxaana heshiiskaasi u saxiixay Soomaliya C/raxmaan C/shakuur Warsame oo xilligaasi ayaa wasiirka qorsheynta dowladdii KMG ahayd.

C/raxmaan C/shakuur ayaa heshiiskaasi uu saxiixay kadib waxaa dusha  loo saarya inuu Baddii Soomaaliyeed u saxiixay Kenya, iyadoo la huwiyay magaca BAD-GATE. Dood dheer kadib waxaa Baarlamaankii Soomaaliya ee xilligaasi uu laalay heshiiska ay kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Kenya.

Weli ma harin arrintan, waxayna noqotay mid daba joogta siyaasiga C/raxmaan C/shakuur oo dhowaan isu soo sharxay jagada madaxweynaha Soomaaliya, laakiin wuxuu ku qasbanaaday inuu ka hadlo isla arrintii suuqa u gashay ee Bad-iibsiga.

C/raxmaan C/shakuur wuxuu hore dusha uga saaray  arrintan Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid isagoo sheegay inuu amarkiisa ku saxiixay.

Mar  kale wuxuu sheegay inuu ahaa go’aan xukuumadda iyo mas’uuliyad wadareed aan isaga loo raacan karin.

Markii ugu dambeysayna wuxuu arrinta soo geliyay Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed, waxaana muuqata inay ka hari la’ dahay arrintan oo saxiixii heshiiskaasi uu noqday mid daba socda.

https://youtu.be/erpkbzbs2To

DHINACA SARE KA DAAWO XUSUUS KU SAABSAN HESHIISKAASI OO DHEX MAREYSA C/RAXMAAN C/SHAKUUR, C/RISAAQ JURILLE, IYO CUMAR C/RASHIID OCTOOBAR 2009.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON