Dab xoog leh ayaa ka kacay xarumo ganacsi oo u badan dukaamo ku yaalla degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho, iyadoo uu weli socdo Dabka, siina xoogeysanayo.
Dadka degaanka ayaa ku warramaya inay mar kaliya uu dabku xoogeystay, isla markaana xaaladu aad u culus tahay oo dukaamo fara badan ay gubanayaan oo ku yaalla suuq degmada Kaxda, waxaana la dalbayaan gurmad degdeg ah si loo xakameeyo dabkaasi.
Dadweynaha ayaa la tacaalaya dabka oo ah mid xoog leh, iyadoo aan la ogeyn sababta dhalisay, iyadoo xilli danbe oo caawa ah uu dabkaasi kacay.
Warar Xul ah