Sunday, June 22, 2025

Dab ka kacay Suuqa weyn ee Bakaaraha, Magaalada Muqdisho & Wararkii ugu danbeeyay

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inuu Dab a kacay suuqa weyn ee Bakaaraha magaalada Muqdisho.

Wararkii ugu horeeyay ee laga helayo suuqa ayaa sheegay in Dabka uu qabsaday qeybo ka mida suuqa sida Bacadlaha, isagoo ka dhacay guri ku yaalla Suuqa Dahabka. Waxaana halkaasi gaaray Gaadiidka Dab-damiska oo la tacaalaya Dabka,.

Dad  goobjoogayaal ah ayaa sheegay in Dabka awoodiisa aysan ahayd mid aad u weyn oo xakameyn lagu hayo, dadaalna ay kula jiraan Dab damisyada u gurmaday Suuqa.

Ad

Ciidamda amniga ayaa suuqa gaaray, waxaana suuqa ku qulqulaya dad fara badan oo ganacsatada ka mida si ay hantidooda uga war doonaan.

Wararkii ugu danbeeyay  ayaa sheegay in lagu guuleystay daminta dabkaasi, iyadoo uu waxyeelo u geystay dhismooyin ganacsi  oo u badan carwooyin.

 

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON