Wararka laga helayo Gobolka Muduga yaa sheegaya inuu saaka aroortii dab qabsaday bakhaar ku yaalla duleedka magaalada Gaalkacyo oo hub u yaallay maamulka Galmudug.
Dabka ayaa ka kacay bakhaar ku dhex yaalla saldhig ciidan oo ku yaalla degaanka Docol oo masaafo dhan 40 KM u jira magaalada Gaalkacyo, waxaana dabka oo dhaliyey qaraxyo iyo holac uu dhaliyey qasaare hub iyo saanad ku bas beelay, iyadoo lasoo weriyay inuu qof ku dhaawacmay.
Dabka ayaa saacado qaatay, sida laga soo xigtay dadka degaankasi, mana jirin wax lagula tacaalo si loo damiyo, wuxuu iskiisa u yaraaday markii ay gubteen, iyadoo qeybtii ugu danbeysay ee dabkaasi goor dhow la damiyay.