Dab lama filaan ah ayaa qabsaday qeybta keydka hadalka ee Idaacadda Radio Muqdisho oo ku dhex yaalla xarunta Wasaaradda Warfaafinta.
Wararka aya sheegay in Dabku ka dhashay koronto 10-kii barqanimo, kaasoo geystay qasaare soo gaaray qeyba Keydka Hadalka ee Radio Muqdisho, Waxayna Mas’uuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta ay sheegeen inay baarayaan qasaaraha ka dhashay Dabkaasi.
Gaadiidka Dabmiska gobolka Banaadir ayaa ku guuleysatay inay demiyaan Dabka qabsaday qeybta Keydka hadalka ee Radio Muqdisho Codka , waxaana gubtay qaar ka mida Canjaladihii Keydka ee Radio Muqdisho.
“Qasaaraha ka dhashay dabka ma badna, waxaana Maamulka iyo Shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta ay ku howlan yihiin tirakoobka cajaladaha gubtay…” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Wasaarada Warfaafinta.
Qeybta Keydka hadalka ee Radio Muqdisho ayaa waqti heer soo jiray waxaana ku keydsan taariikh Soomaaliyeed, iyadoo dagaaladii sokeeya laga badbaadiyey.