Tuesday, June 24, 2025

Dab xoog leh oo ka kacay Hotel ku yaala Magaalada Riyaad, Sacuudiga

Dab xoog leg ayaa qabsaday Hotel ku yaala Riyaad ee xarunta Boqortooyada Sacuudiga, gaar ahaan degaanka lagu magacaabo Caziiziya.

Waxaa la arkayay holac aad u weyn oo liqay hotelka iyo qiiq fara badan oo Hotelka ka kacay, waxaana halkaasi gaaray gaadiidka dab demiska oo dagaal kula jira deminta dabka oo ahaa mid aad u weyn.

Hotelka ayaa ku yaala goob u dhow suuqa lagu magacaabo Salaam, waxaana laga daad gureeyay dadkii ka ag dhowaa iyadoo xilli badan ay ku qaadatay in la demiyo dabkaasi.

Weli lama shaacin qasaaraha ka dhashay dabka weyn ee hotelka ku yaala Magaalada Riyaad qabsaday iyo sababta dhalisay midna.

 

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON