Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dab xoog leh uu ka kacay suuq ku yaalla magaalada Muqdisho.
Dabkan ayaa ka kacay Suuqa loo yaqaan Suuq Liif oo ku yaala degmada Dharkeynlay ee Gobalka banaadir, waxayna dadka degaanka sheegeen in Dabku uu geystay khasaaro hantiyadeed oo fara badan.
Wararka ayaa sheegaya in dabku ka kacay qeybta dukaamada lagu iibiyo dharka. waxaa halkaas gaaray Gaadiidka gurmadka Dab damiska,iyadoona markii dambe ay ku guuleysteen inay damiyaan dabkaasi.
Khaliif cabdulle Maalin taliyaha Saldhiga Degmada Dharkeynley ee gobalka Banaadir ayaa sheegay in dabkii saakay ka kacay Suuq liif uu geystay khasaaro hantiyadeed, islamarkaana aan hada la qiyaasi karin.