Thursday, June 26, 2025

Dabley hubeysan oo toogasho ku dishay Ganacsade, Magaalada Gaalkacyo

Wararka laga helayo magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in koox hubeysan ay Suuqa Magaalada ku dileen nin Ganacsade ah.

Ninka la dilay ayaa Magaciisa lagu sheegay C/llaahi Cismaan Axmed, waxaana la sheegay in markii la dilay kadib ay goobta ka baxsadeen  dableydii dilka geysatay.

Ganacsadaha lagu dilay Gaalkacyo ayaa la sheegay inuu ka soo jeeda Galbeedka Magaalada Gaalkacyo, iyadoo maamulk Puntland aanu wax war ah kasoo saarin dilkiisa.

Dilkan ayaa imaanaya iyadoo ammaanka magaalada la adkeeyay isla markaana uu maanta dhaqan galay  amarkii Puntland ku joojisay isu socodka Gaadiidka labada dhinac ee magaalada.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON