Dabley ka tirsan Alshabaab ayaa gudaha u galay Hotelka SYL ee caanka ah oo ku yaalla kasoo horjeeda iridka laga galo Madaxtooyada Soomaaliya.
Weerarkan oo si lama filaan ah ku dhacay ayey dableyda adeegsadeen qaab cusub oo aan qaraxyo waaweyn la adeegsan, waxayna hadda ka dhex dagaalamayaan gudaha Hotelka oo ay degan yihiin siyaasiyiin iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.
Xildhibaanno ka baxsaday hotelka oo dhinaca Beerta Nabadda u booday ayaa laga soo xigtay inay gudaha hotelka ka socoto rasaas iyo bam gacmeedyo ay ridayaan dableyda Alshabaab ee gudaha u gashay Hotelka SYL.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in Alshabaab ay sheegtay mas’uuliyadda weerarka ka socda Hotelka SYL, waxaana war degdeg ah oo ka soo baxay lagu sheegay in howlgalkaas ay qaadeen dagaalyahano ka tirsan ciidamadooda, una dhacay sidoo loo qorsheeyey.