Dabley ka tirisan Alshabaab ayaa weerar aan hor loo arag oo gaadmi ahaa ka fuliyey saldhig ay ciidmada AMISOM ee ka socda dalka Burundi ku leeyihiin Gobolka Sh/Dhexe.
Weerarkan ayaa ka dhacay saldhig ay ciidamada AMISOM ee ka socda dalka Burundi ku leeyihiin degaanka Buurane, degmada Mahadaay ee Gobolka Sh/Dhexe, waxaana fuliyey dabley si gaadmo u toogatay ciidamadii ilaalada ka ahaa iridka hore ee saldhigga xilli ay ku mashquulsanaayeen inay albaabka ka furaan Gaari Booyad ah.
Wararka ayaa sheegaya in weerarka uu geystay dhimasho iyo dhaawac; halka dadka degaanka laga soo xigtay in laba askari ay ku dhaawacmeen weerarka gaadmada ah, waxaana weerarkan qirtay Taliska AMISOM oo aan faahfaahin ka bixin.
Kadib weerarka gaadmada ah ee lagu qaaday askartii ilaalada saldhiga AMISOM ee degaanka Buurane ayaa ayaa waxaa goobta ka dhacay rasaas xoog leh oo muddo socotay, iyadoo ay baxsadeen dableydii weerarka geystay.
Weerarkan ayaa imaanaya iyadoo maalin ka hor Qarax miino lala beegsaday Gaari ay ciidamada Burundi leeyihiin oo ka dhacaydegaanka Buurane, taasoo keentay in ciidamada Burundi ay rasaas furaan, kuna dilaan laba qof xoolo dhaqatada degaanka ka mida.