Monday, July 14, 2025

Dabley lagu tuhunsan yahay Daacish oo qabsatay degaan u dhow Degmada Qandala

Wararka caawa laga helayo gobolka Bari ayaa sheegaya in koox hubeysan oo lagu tuhunsan yahay inay ka tirsan yihiin Daacish ay qabsadeen degaan u dhow degmada Qandala.

Dadka degaanka ayaa sheegay in kooxdan oo loo maleynayo inay ka tirsan yihiin Daacishta ku sugan Gobolka Bari ay qabsadeen tuulada Dasaan oo u dhow Qandala.

Kooxda oo ka koobneyd tobaneeyo dabley ah oo hubeysan ayaa galay tuulada Dasaan, waxayna toos u abaareen bakhaaro raashin, halkaasoo ay raashin ka qaateen.

Maamulka Puntland ayaan weli ka hadlin dhacdadan, waxaase la xaqiijiyay in falkan uu dhacay, iyadoo laga yaabo in kooxda ay sahaydii ka dhammaatay.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON