Dabley hubeysan ayaa caawa weerar ku qaaday Hotel ku yaala magaalada dalxiisku ku badan yahay ee Gardaqa oo dhinaca ku heysa Badda Cas, waxaana laba nin oo dabley ay galeen hotelka.
Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya weerarkani, iyadoo ciidamada ammaanka Masar ay sheegeen inay dileen mid ka mida dableyda weerarka soo qaaday, midkii kalena la dhaawacay.
Laba qof oo ajnabi ah oo kala ah nin Jarmal ah iyo Haweeney u dhalatay dalka Denmark ayaa wararku sheegayaan in la dhaawacay markii ragga weerarka soo qaaday ay toorey la dhaceen, halka ciidamada ammaanka Masar ay caddeeyeen inay fashiliyeen weerarkan.
Weerarkan ayaa imaanaya laba maalmood uun ka dib markii bas ay saarnaayeen dalxiisayaal lagu weeraray magaaalda Jiiza ee dalka Masar.
Goobjooge.com