Guddiga Xalinta khilaafaadka Doorashooyinka ayaa soo bandhigay dacwad ka tagaan laba kursi oo ka mida kuraastii Aqalka hoose ee Beesha Murusade oo lagu doortay Cadaado.
Qoraalka Guddiga oo saxaafadda ay heshay ayaa lagu caddeeyay in nabadoonka Beesha Murusade/Sabti/Abokar Cali Sheekh Maxamed uu Guddiga soo gaarsiiyay cabasho musuq oo lagu qaatay labadii kursi ee Beeshaasi.
Warqada ayaa lagu sheegay Xuseen Iidow oo ahaa Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Galmudug uu si sharci darro iyo awood ku qaatay kursiga codeyn gacan taag ah.
Xasan Macalin ayaa isna lagu soo eedeeyay inuu ergo inay u codeeyeen ergo uu ka keensaday magaalada Muqdisho ay u codeeyeen, iyadoo aanu ogeyn Nabadoonka Beesha.
Labadan kursi ee nabadooyinkii Jufada Abakar iyo odayaashii ka daba tageen ayaa hadda qarka u saarna in dib loogu noqdo doorashadooda. Waxaana xusid mudan in Guddiga Doorashada waday ay iska dhega tireen go’aan la soo saaray in lagu hakiyo doorashada kuraasta
HOOS KA AKHRI QORAALKA GUDDIGA
GOOBJOOGE.COM