Dacwad oogaha idman ee dalka Kenya oo kasoo jeeda Soomaalida dalkaasi Nuurdiin Xaaji oo madaxda ka ah hay’adda Guddiga Anshaxa iyo la-dagaalanka Musuqa Kenya (Ethics and Anti-Corruption Commission -EACC) ayaa amray in lasoo xiro Duqa Magaalada Gaarisa Cali Buunow Qorane iyo mas’uuliyiinta maamulkiisa oo gacan-yareyasha u ahaa, markii lagu helay lunsasho hanti dadweyne iyo musuq sameeyeen.
Sida ay baahisay Warbaahinta Kenya Duqa Gaarisa iyo shaqaalaha maamulkiisa ayaa lagu heystaa lacag loogu talogalay dhismaha wadooyinka gaarisa iyo hagaajinta magaalada oo ay xisaabo gaara ku shubteen intii u dhaxeysay Bishii Febaraayo ilaa September 2019-kii, lacagtaas oo uu Kenya ugu deeqay Baanka Adduunka.
Qiimaha lacagta ay ka baxeen oo qaarkeed dib loogu celiyey Xisaabta Dowladda ayaa gaareysa (233,506,000 Shilinka Kenaya ama $2,153,489 oo Doolar). Amarka xariga guddoomiyaha Gaarisa iyo shaqaalaha xafiiskiisa ayaa dhaqan gelaya iyadoo maxkamad ay ku bilaaban doonto kiiskan musuqa ah oo ugu danbeeya kiisas badan oo mas’uuliyiin Kenyaan lagu soo gole joojiyey.

Mas’uuliyiinta uu kiiskan saameynayo waxay kala yihiin:
1- Guddoomiyaha Gaarisa Cali Buunow Qorane
2- Ibraahim Moolow Nuur Xog-hayihii hore joogtada Wasaaradda Maaliyadda.
3- Maxamed Axmed Cabdullaahi Madaxa Maaliyadda Gaarisa.
4- Cabdi Shaale Madaxda Hanti dhowrka.
5- Axmed Cabdullaahi Aadan Qasnad hayaha Hanti dhowraha.
Waa kiiskii musuqmaasuq ee ugu weynaa dalka Kenya oo si toos ah ay ugu lug yeeshaan Mas’uuliyiinta Soomaalida Kenya ee Gobolka W/Bari, iyadoo Kenya ay ka mid tahay dalalka ugu musuqa badan dunida.