Friday, April 19, 2024

XOG CULUS: 5 Arrimood oo dhaliyey Qeylo-dhaantii Dowladda Mareykanka ee isbedellada Ciidamada Somaliya?

Farriintii ay barteeda twitter-ka soo dhigtay Safaaradda Mareykanka 8-da Septembar 2020 ayaa soo shaac bixiyey heerka uu gaaray musuq iyo qaraabo-kiil ka dhex socda Hay’adaha Amniga muddo 45 casho ah oo dalku uu ahaa Ra’iisal wasaare la’aan si toos ahna looga maamulayey Villa Somalia. (Akhriso Warkan)

Qoraalka Safaaradda Mareykanka waxaa ku soo xigay kulan garoonka Diyaaradaha Muqdisho ku dhex maray Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi ka socday Wasaaraddda Difaaca Mareykanka oo arrimo xasaasi ah looga hadlay, inkastoo aysan labada dhinac shaacin wixii uu kulankaasi ku saabsanaa.

Xogta la helay ayaa sheegeysa in Bishii la soo dhaafay, xafiiska madaxweyne Madaxweyne C/llaahi Farmaajo uu qaaday tallaabooyin lagu doonayey in lagu siyaasadeeyo laamaha amniga ee Qaranka, sidoo kalena looga faa’iidaysanayo xiliga kala guurka ah ee xukuumad la’aanta ah.

Ad

Mas’uulka kaliya ee farriintii Safaaradda ka jawaabay wuxuu ahaa la-taliyaha Amniga ee Madaxweyne Farmajo ninka lagu magacaabo Cabdi-Saciid Maxamed Cali oo ka mida ragga ugu dhow Madaxweynaha ee arrimahan ku lugta leh, wuxuuna jawaabtiisa ku sheegay inay soo dhoweynayaan taageerada Beesha Caalamka, laakiin inay waajib tahay Hay’adaha Soomaalida ay yeeshaan talada iyo fulinta.

Waxaa dhacay arrimo halis ku ah dib u dhiska ciidamada dalka oo sababay qeylo dhaanta iyo digniinta kasoo baxday Mareykanka, waxaana la ogyahay in Mareykanku uu dib u soo celiyey taageeradii isugu jirtay tababarka, Saadka iyo mushaarka ciidamada Danab ee xoogga dalka markii uu dib u habeynta ciidamada la wareegay Ra’iisal wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre, kalsoonidaas oo muddo bil ka yar qarka u saaran inay burburto.

Arrimaha ugu waaweyn ee dhacay xilligan kala guurka waxaa ka mida:

- Advertisement -

1. Waxaa qaab musuq-maasuq ku salaysan la isugu beddelay hoggaannada ciidanka xoogga, iyada oo dad aan khibrad lahayn lagu beddelay taliyeyaal muddo shaqada ku jiray, taasina waxa ay khalkhal iyo nidaam-darro ku dhex abuurtay ciidanka;

2. Ciidamadii degganaa shanta buundo (Balcad, Afgooye, Jannaale, Sabiid/Caanoole, Bariirre iyo Awdheegle/ Mubaarak ) ee halkaas loo geeyey si looga hortago Gawaarida qaraxyada ee Al-Shabaab caasimadda u soo wadaan ayaa waxaa lagu beddelay kuwo qaab qabiilaysan u abaabulan oo dad gaar ah daacad u ah;

3. Taliyihii ciidanka kumaandoosta ah ee Danab, Ismaaciil Cabdimaalik Maalin ayaa shaqadii si degdeg ah looga joojiyey iyada oo aan la sheegin sababta;

Taliyihii ciidanka kumaandoosta ah ee Danab, Ismaaciil Cabdimaalik

4. Agaasimihii Tubta iyo Amniga iyo Caddaaladda ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Liibaan Cabdullaahi Xuseen, ayaa shaqadii iska casilay 27-kii Agoosto, kaddib markii uu farogelin iyo cadaadis kala kulmay La-taliyaha Amniga Qaranka ee Xafiiska Madaxweynaha.

- Advertisement -

5. Isbedello kale oo Mareykanku ka war helay inuu damacsan yahay madaxweyne Farmaajo, isagoo doonaya inuu taliye cusub u magacaabo ciidamada Danab.

Mas’uuliyiinta awoodda Madaxweynaha adeegsanaya ee arrimahan ku lug leh ayaa waxaa ka mida Agaasimaha NISA Fahad Yaasiin Xaaji, Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Odowaa Yuusuf Raage oo loo maleynayo inuu jiheynayo Agaasimaha NISA iyo Cabdi-siciid Maxamed Cali, iyadoo Madaxweyne Farmaajo la rumeysan yahay inuu doonayo taliyeyaal isaga u daacad ah xilligan kala guurka ah oo uu raadinayo inuu dib loo doorto ama uu helo muddo kororsi.

Isha: Wadani.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON