Thursday, September 24, 2020
More

    Dacwad oogaha Soomaaliga ah ee Kenya oo Amray in Musuq loo xiro Duqa Gaarisa & gacan-yareyaashiisa

    Dacwad oogaha idman ee dalka Kenya oo kasoo jeeda Soomaalida dalkaasi Nuurdiin Xaaji oo madaxda ka ah hay’adda Guddiga Anshaxa iyo la-dagaalanka Musuqa Kenya (Ethics and Anti-Corruption Commission -EACC) ayaa amray in lasoo xiro Duqa Magaalada Gaarisa Cali Buunow Qorane iyo mas’uuliyiinta maamulkiisa oo gacan-yareyasha u ahaa, markii lagu helay lunsasho hanti dadweyne iyo musuq sameeyeen.

    Sida ay baahisay Warbaahinta Kenya Duqa Gaarisa iyo shaqaalaha maamulkiisa ayaa lagu heystaa lacag loogu talogalay dhismaha wadooyinka gaarisa iyo hagaajinta magaalada oo ay xisaabo gaara ku shubteen intii u dhaxeysay Bishii Febaraayo ilaa September 2019-kii, lacagtaas oo uu Kenya ugu deeqay Baanka Adduunka.

    Ad

    Qiimaha lacagta ay ka baxeen oo qaarkeed dib loogu celiyey Xisaabta Dowladda ayaa gaareysa (233,506,000 Shilinka Kenaya ama  $2,153,489 oo Doolar). Amarka xariga guddoomiyaha Gaarisa iyo shaqaalaha xafiiskiisa ayaa dhaqan gelaya iyadoo maxkamad ay ku bilaaban doonto kiiskan musuqa ah oo ugu danbeeya kiisas badan oo mas’uuliyiin Kenyaan lagu soo gole joojiyey.

    Mas’uuliyiinta uu kiiskan saameynayo waxay kala yihiin:

    1- Guddoomiyaha Gaarisa Cali Buunow Qorane

    2- Ibraahim Moolow Nuur Xog-hayihii hore joogtada Wasaaradda Maaliyadda.

    3- Maxamed Axmed Cabdullaahi Madaxa Maaliyadda Gaarisa.

    4- Cabdi Shaale Madaxda Hanti dhowrka.

    5- Axmed Cabdullaahi Aadan Qasnad hayaha Hanti dhowraha.

    Waa kiiskii musuqmaasuq ee ugu weynaa dalka Kenya oo si toos ah ay ugu lug yeeshaan Mas’uuliyiinta Soomaalida Kenya ee Gobolka W/Bari, iyadoo Kenya ay ka mid tahay dalalka ugu musuqa badan dunida.

    Warar Xul ah

    NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

    147,592FansLike
    1,974FollowersFollow
    5,621FollowersFollow
    147,592FansLike
    1,974FollowersFollow
    5,621FollowersFollow

    TOP NEWS

    Qoyska Marxuumad Xamdi oo Digniin Culus soo saaray & Baareyaashii Kiiska oo isbedel lagu sameeyay

    Ehelada Marxuumad Xamdi Maxamed Faarax oo Muqdisho lagu kufsaday, laguna dilay waxay sheegeen in mas'uuliyiin sare faragelin ku hayaan Kiiska, lana bedelay...

    Maxamed Xuseen Rooble: Ra’iisal Wasaare Afar Biloodle ah iyo 8-da Shaqo ee uu isu diray (Akhriso)

    Ra'iisal wasaaraha cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Roobe oo maanta 23-ka September codka kalsoonida ka helay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya wuxuu taariikhda ku...

    Golaha Shacabka oo Cod Aqbaliyad ah kalsooni ku siiyey Ra’iisal wasaare Rooble

    Codka Kalsoonida ayaa loo qaaday Ra'iisa lwasaare Rooble, waxayna natiijadii noqotay in Aqlabiyad lagu meel mariyo

    Madaxweyne Farmaajo: “Maxamed Xuseen Rooble waa Nin aan ku aamni karo xilka Ra’iisal wasaaraha..”

    Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa Baarlamaanka Soomaaliya ka codsaday inay codka kalsoonida siiyaan Ra'iisal wasarha uu soo magacaabay ee Maxamed Xuseen Rooble.

    Xaalad ka taagan Khudbadda Baarlamaanka ee Madaxweyne Farmaajo & Kalsooni siinta Ra’iisal wasaare Rooble

    Xildhibannada Golaha shacabka ayaa maanta kulan gaara oo ku saabsan Kalsooni-siinta Ra'iisal wasaaraha magacaaban Maxamed Xuseen Rooble, laakiin waxaa wehliya khudbad uu...

    Xildhibaan uga digay Madaxweyne Farmaajo inuu Baarlamaanka kala hadlo Heshiiskii Doorashada

    "Haddii uu isku dayo Madaxweynaha inuu Sharciga Doorashada Keeno Baarlamaanka Firimbi iska dhaafe Durbaanno ayaa ku yeerinaynaa.."

    Axmed Madoobe: “Hawiyow aad u dhageysta, Muqdisho waa caasimadda Somaalida, Dadkana kama xigtaan..”

    Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa ka hadlay maqaamka caasimadda Muqdisho iyo aragtida uu ka qabo; isagoo sheegay inay tahay casimadii Soomaaliya...

    WARARKA UGU SHIDAN

    error: Content is protected !!