Dad fara badan ayaa ku dhintay dab qabsaday kaniisad ay leeyihiin Kirishtaanka ku nool dalka Masar oo ah aqbaliyad yar.
In ka badan 40 qof ayaa ku dhintay Dabka ka kacay kaniisadda oo ay leeyihiin koox diimeedka Copts oo ku taalla caasimadda Masar ee Qaahira, waxaana la sheegay inuu Dabka ka dhashay qarax Koronto.
Ciidamada dab damiska magaalada Qaahir ayaa saacado kadib sheegtay in la xakameeyay dabka. Kooxda Copts waa bulshada ugu badan ee Masiixiyiinta ah ee Bariga Dhexe, waxaana dadka raacsan lagu qiyaasay ilaa 10 milyan, iyagoo 10% ka ah dadka masar ee gaaraya 103 milyan.
Maarso 2021, ugu yaraan 20 qof ayaa ku dhintay dab ka kacay warshad dharka samaysa oo ku taal duleedka bari ee Qaahira.
Madaxweynaha Masar Abdel Fattah al-Sisi ayaa boggiisa Facebook ku sheegay inuu howlgaliyay dhammaan adeegyada dowladda si dhacdadan loo baaro, loona caawiyo dadkii ay dhibaatadu kasoo gaartay.
