Dadweyne fara badan ayaa ku dhintay Gaari MINI BUS caasi ah oo marayay degaanka Golweyn ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Gaarigan oo ay saarnaayeen in ka badan 20 qof ayaa miino la qaraxday iyagoo ay gebi ahaan ku dhinteen dadkii gaariga caasiga ah saarnaa oo gaarayay 20 qof, isagoo marayay inta u dhaxeysa Marka iyo Buulomareer.
Qasaaraha oo ahaa kii ugu weynaa oo muddooyinkan ka dhacay degaankaasi ayaa dadka ku dhintay waxay ahaayeen dad shacab ah.
Qaraxa miinada ayaa la sheegay in meesha loo dhigay AMISOM balse ay haleeshay Baskan dadka shacabka ah ay saaran yihiin.
Guddoomiyaha Gobolka Shabeelada Hoose ayaa xaqiijiiyay in 19 qof oo shacab ah ay ku dhinteen qaraxa gaariga caasiga ah ee ka dhacay Golweyn.
Goobjooge.com