Dalka Mareykanka ayaa mar kale noqday halka ay ku geeriyoodeen tirada ugu badan la diiwaangeliyey cudurka Coronavirus, markii ay maalin qura dadka cudurka u dhintay sare u dhaafeen 2000 qof.
Tirakoobka dadka u dhintay Coronavirus ayaa dalka Mareykanka gaartay shalay 2108 qof, taasoo ah tirada ugu badan ee hal dal laga diiwaangeliyey intii uu cudurku soo bilowday, waxaana guud ahaan cudurka Covid-19 uu dalka Mareykanka ku dilay dad ku dhow 19,000 qof.
Dadka sida cudurka Corona ee Mareykanka ayaa sidoo kale sare u dhaafay Nus Milyan Qof (500,000), halka dunida oo dhan ay cudurkan ugu dhinteen 102,000 qof. Dhinaca kale tirada guud ee uu cudurku soo ritay dunida ayaa gaartay in ka adan 1.7 Milyan oo qof.
Mareykanka ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu dalka Italy kala wareego dalka ay dadka ugu badan ugu dhinteen cudurka Covid-19. Talyaaniga ayaa waxaa ilaa hadda cudurka ugu dhintay 18,800 qof.
Gobolka New York oo kaliya ayaa hadda ka kiisas badan dalalka dunida oo dhan, waxaana gobolkaasi cudurka covid-19 laga helay dad gaaraya