Sunday, July 13, 2025

Dad ka badan 50 qof oo lagu dilay Dagaal beeleedkii ugu xumaa oo ka dhacay Gobolka Sool

Wararka laga helayo Gobolka Sool ayaa sheegaya in tirada dadka ku dhintay dagaal beeleed ka dhacay Gobolka Sool ay sare u kacday iyadoo ay gaartay in ka badan 50 qof.

Dagalkan oo laba beelood ku dhex maray Degaanka Dhumay ee Gobolka Sool, waxaana dagaalkan oo intiisa badan dhacay Isniintii shalay uu noqday kii ugu qasaaraha badnaa ee labadaasi beelood dhex mara, kuwaasoo muddo dheer dagaalkoodu socday.

Degaanka Dhumay ayaa 45 KM dhinaca koonfur galbeed ka xiga magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool oo ay gacanta ku heyso Somaliland, waxaana mas’uuliyinta degaanka ay sheegeen in 80 qof ay ku dhaawacmeen dagaalkaasi.

laba beelood ayaa isku adeegsaday hubka culus ee tiknikada dagaalka loo yaqaan, waxaana dagaalka oo muddo dheer labadan beelood dhex marayey la sheegay inuu salka ku hayo aano qabiil iyo dhul.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON