Dadweyne Careysan ayaa maanta bannaanbax ka dhigay magaalada Muqdisho, iyagoo dalbaday in cadaaladda la horkeeno dadkii ka danbeeyay dilkii guddoomiyaha degmada Hodon.
Dadkan oo is abaabulay ayaa xiray isgoyska Trebuunka, waxayna wadadda ku gubeen taayaro, iyagoo dhagxaan ku tuurayay gaadiidka iyo goobaha ganacsiga; waxayna madaxda dowladda Soomaaliya ka dalbadeen inay cadaaladda hor keenaan, sharcigana lala tiigsado dadkii ka danbeeyay dilka C/xakiin C/raxmaan Ciise (Dhegajuun).
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay inuu guddoomiyihii degmada Hodon ku dhintay is-rasaaseyn ka dhacday inta u dhaxeysa is-goysyada Aden Cadde iyo Howlwadaag ee magaalada Muqdisho.
