Iyadoo ay sii kordheyso dhibaatada dadka Muqdisho ku qabaan wadooyinka xiran, kadib markii ay roobab ka da’een magaalada ayaa darawallada BL-ka waxay bannaanbax weyn ka dhigeen Wadadda Soobe, iyagoo xiray jidka muhiimka ah ee isku xira degmooyinka Medina iyo magaalada inteeda kale.
Gaadiidley fara badan iyo boqolaal Darawal oo ah kuwa Ggaadiidka dadweynaha ee BL-ka ayaa dhigay banaanbax looga horjeedo wadooyinka xiran ee magaalada Muqdisho, waxayna xireen wadooyinka qaar iyagoo dhagxaan ku xiray wadooyinka, una diiday inay maraan gaadiidka ciidamada dowladda Soomaaliya, waxayna arrintan saameyn ku yeelatay waddada Isgoyska Zoobe oo muhiim u ah isu socodka magaalada qeybta sida weyn loo ilaaliyo.
Magaalada Muqdisho ayaa u kala xiran qeybo kala go’goan oo aan isku gudbi karin, waxaana xaaladaasi ay ku jirtay ilaa bishii April ee sanadkan 2019, waxaana xaaladda uga sii daray roobabkii dhowaan ka da’ay magaalada oo xiray wadooyinkii koobnaa ee gaadiidku adeegsan jireen.
Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Filish iyo Taliyaha ciidamada Booliska ayaa markii xilalka loo magacaabay waxay ballanqaadeen inay furayaan wadooyinka Muqdisho, waxaana jirtay in la magacaabay Guddiyo arrintan kasoo shaqeeya oo aan din danbe warkooda loo maqlin.


