Wednesday, July 16, 2025

Dad ku dhintay dagaal ka dhacay duleedka Muqdisho & Mas’uul ka tirsan Hirshabelle o ku lug yeeshay

Dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa gelintii dambe ee maanra ka dhacay Degaanka Ceel Macaan ee duleedka Muqdisho, kadib markii laba maleeshiyo ay isku dhaceen.

Wararka ayaa sheegay in ilaa 5 qof ay dhinteen, isla markaana ay 10 kale ku dhaawacmeen dagaal qaraar oo laba maleeshiyo dhex maray, waxaana dagaalka ku lug lahaa guddoomiyihii hore ee degmada Balcad Cismaan Xaadoole oo hadda ah wasiiru dowle ka tirasn maamulka Hishabeelle.

Dadka degaankaasi ayaa la sheegay inay ka hor yimaadeen ciidamada uu watay  Cismaan Xaadoole, iyadoo qasaare weyn, halkaasi ka dhashay, waxaana la sheegay in la isku heyso muran dhinaca dhulka ah.

Ciidamo ka socda maamulka degmada balcada yaa gaaray halka dagaalku ka dhacay, waxaana socda waanwaan la doonayo in lagu xaliyo shaqaaqada oo timid  iyadoo dhowaan heshiis lagu gaaray.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON