Tuesday, June 24, 2025

Dad ku dhintay Doon ku degtay Xeebaha degmada Qandala Gobolka Bari

Dooni laga leeyahay dalka Iiraan ayaa ku degtay xeebaha degmada Qandala ee Gobolka Bari, kadib markii Doonta degtay ay saameeyeen dabeylo iyo Mowjadaha badda oo aad u kacsanaa.

Agaasimaha guud ee wasaaradda kalluumaysiga  Puntland Cabdulqaadir Xaaji Yuusuf Siciid oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in shaqaalaha saarnaa doonta uu ka badbaaday hal qof oo kaliya intii kalena ay baddu la tagtay.

”Saaka illaa saddex saac ayaa badda degmada Qandala aad u kacday, waxaa degtay Doon laga leeyahay Iiraan waxaa laga badbaadiyay hal qof oo kaliya”Ayuu yiri Agaasimaha guud ee wasaaradda kalluumaysiga Cabdulqaadir Xaaji Yuusuf Siciid oo sii raaciyay in xaalada badda ay halis tahay xilligan.

Puntland wali faah-faahin kama bixin Dadka Saarnaa Doonta ee ku dhintay ama la weysan yahay marka laga Reebo Qofka badbaaday. Waxan kaloo la ogeyn waxa Doontaasi ku howlaneyd.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON