Thursday, June 26, 2025

Dad ku dhintay Madaafiic AMISOM ku duqeysay Magaalada Baraawe

Wararka laga helayo degmada Baraawe ee Gobolka Shabeelada Hoose ayaa sheegaya in ciidamada AMISOM ay madaafiic ku gareen magaaladaasi.

Dadka degaanka ayaa sheegay in qof haweeney ah ku geeriyootay, halka 7 kale ay ku dhaawacmeen madaafiic ay AMISOM ku duqeysay qeybo ka mida degmada Bawaawe.

Duqeynta AMISOM ayaa ka dambeysay weerar ay Alshabaab ku qaadeen xilli danbe xalay degmadaasi oo qasaare dhaliyay, waxaana lagu eedeeyay ciidamada AMISOM ay madaafiic aan loo meel dayin ku asqeeyeen magaalada dafaheeda oo dad shacab ah ay ku waxyeeleeyeen.

Xaaladda degmada Baraawe ayaa hadda degan kadib markii dagaal muddo dheer socday uu degmadaasi ka dhacay, waxaana maamulka degaanka ayaa ku eedeeyay AMISOM inaysan wax gacan ah siinin ciidamada dowladda ee dagaalka la galay Alshabab.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON