Saturday, June 28, 2025

Dad ku dhintay Shilal Baabuur oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

Dhow qof ayaa ku dhintay shil Gaari oo ka dhacay degmada Shibis ee magaalada Muqdisho, kadin markii gaari weyn uu ku rogmaday isgoyska Nasiib buundo.

Gaariga oo ay la socdeen dhalinyaro shaqo ka wada waday dhisme ka socday Garoonka magaalada Muqdisho ayuu la qalibmay gaariga, iyadoo ay ku dhinteen dhintay 3 qof halka in ka badan 30 kalane ay dhaawacmeen.

Shilka ayaa ahaa mid dad badan saameyn ku yeeshay iyadoo Gaarigaoo noociisu ahaa UD ay saarnaayeen in ku dhow  100 qof oo dhalinyarro shaqaale ah. Waxaa u gurmaday dadka degaanka iyo ciidamada ammaanka.

Dhinac kale wararka laga helayo degaanka Garasbaaley ayaa wsheegaya inuu halkaasi ka dhacay shil ay isku dhaceen Gaari Homey iyo Gaari Dameer, waxaana shilkaasi ku dhintay ninkii waday Gaari dameerka.

Goobjooge

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON