Monday, June 23, 2025

Dad la socday Meyd o lagu weeraray Duleedka Muqdisho & Dhimasho badan oo ka dhacday

Dad la socday Meyd loo waday in la aaso ayaa weerar lagu qaaday duleedka magaalada Muqdisho.

Wararka laga helay degaanka Calamada ee u dhow Ceelasha Biyaha  ayaa sheegaya in dabley hubeysan ay rasaas ku fureen gaari ka mid ahaa baaburtii la socotay meydka iyadoo geystay qasaare dhimasho iyo dhaawac leh.

6 qof ayaa la sheegay inay ku dhinteen weerarka iyadoo afar kale lagu dhaawacay, waxayna wararku sheegayaan in dadka falkan lagu laayay ay ahaayeen Qoys caan ka ah degmada Dharkeynley ee Gobolka Banaadir oo lagu magacaabi Reer Xaaji Gaabow.

Ad

Shan ka mida Wiilasha la dilay ayaa la sheegay inuu dhalay ganacsade Xaaji Gaabow, waxaana weerar ku qaaday koox dabley ah oo wadatay gaari yar, mid ka mida wiilashada oo baxsaday inay dableyda ka daba tageen oo ay dileen.

Lama oga sababta weerarkan dhalisay iyo cidda ka danbeysay, waxaana ciidamo degaanadaasi ku sugan ay hore weerarro kuwan la mida ugu dileen dad rayid ah.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON