Tuesday, July 15, 2025

Dad lagu laayay weerar culus oo lagu qaaday Baar ku yaalla Caasimadda…

Toddoba iyo toban qof ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhinteen weerar looga shakisan yahay in koox jihaad doon ah ay ka fuliyeen bartamaha caasimadda dalka Burkina Faso, Ouagadougou.

Dad goob-joogayaal ah ayaa laga soo xigtay in saddex nin oo hubeysan ay xabbado ku fureen macmiil fadhisay bannaanka hotel iyo maqaayad.

Bartamaha magaalada ayaa waxaa xiray ciidamada, safaaradda Mareykanka ayaana uga digtay muwaaddiniinteeda inay ka fogaadaan goobtaasi.

Weerar koox jihaad doon ah ay ku qaadeen maqaayad dalkaasi ku taalla ayaa waxaa ku dhintay 30 qof bishii Jannaayo ee sanadkii hore.

Waxaa laga cabsi qabaa in weerarka ay geysateen koox xiriir la leh ururka al-Qaeda kana howl-gala gobolka Saaxil.

Burkina Faso waxay qayb ka tahay gobolka Saaxil, oo ay dalka Mali uu ka tirsan yahay halkaas oo kooxaha Islaamiyiintu ay ka howl-galayeen tan iyo sanadkii 2012.

A wounded restaurant customer sits on the ground following an attack by gunmen on a restaurant in Ouagadougou, Burkina Faso

Map of West Africa

Police were quickly deployed to the scene

SourceBBC

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON