Ciidamada Millatariga ee ku sugan gobolka Gedo ayaa qaaday howlgal ay ka sameeyeen degmada Ceelwaaq, hawlgal lagu soo qabtay xubno ka tirsan ururka Al Shabaab, sida ay inoo sheegeen masuuliyiinta gobolkaasi.
Hawlgalkan ayaa wuxuu ka dambeeyay kadib markii shalay maqaayad ku taalla degmada Ceelwaaq lagu weeraray qaraxyo, halkaasi oo uu ku dhintay askari, kuna dhaawaceen dad shacab ah.
Madaxa amniga gobolka Gedo Bile Ibraahim ayaa sheegay in ciidanka ammaanka ay gacanta ku dhigeen xubno ka tirsan Al Shabaab, hadana lagu hayo baaritaano dheeraad ah, si sharciga loo horgeeyo.