Monday, June 23, 2025

Dad looga shakisan yahay Cudurka Covid-19 oo ku dhintay Cadaado & xaalad ka taagan..

Wararka laga helayo magaalada Cadaado ee Gobolka Mudug ayaa sheegaya in xaalad caafimaad oo degdeg ah ay ka jirto magaaladaasi, kadib markii ay dhowr qof u geeriyoodeen cudur looga shakiyey inuu yahay Coronavirus.

Ilaa afar ruux ayaa la sheegay in 24-kii saac ee ugu danbeeyay ugu geeriyoodeen magaalada Cadaado, iyadoo qaarkood lagu arkay calaamadaha Cudurka Covid-19, qof ka mid ahna ay ahayd haweeney 94 sano jir ah oo qabtay cudurka macaanka balse aan lagu karin calaamadaha cudurka, waxaa kaloo ka mida nin Oday ah oo ku dho 100 sano jir, kaasoo neeftu dhibeysay, laakiin waxaa aad looga cabsi qabaa in ganacsade ahaa oo 40 sano jir ah, kaasoo isbitaalka Cadaado ugu geeriyoday iyadoo lagu arkay calaamadaha cudurka Covid-19 oo dhan.

Madaxda Isbitaalka Cadaado Cabdi Xasan Cali ayaa sheegay inay xireen qeybta xaaladda degdegga ah ee Isbitaalka Cadaado, kadib markii dad looga shakiyey ay ku geeriyoodeen, iyadoo sidoo kale la joojiyey inuu isbitaalka qaabilo daka bukaan-socodka ah.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON