Wednesday, June 25, 2025

Dad mucaawimo loo qeybinayay Beledweyne oo ku dhintay rasaas ay fureen ciidamada

Laba qof ayaa lau dilay rasaas ay fureen ciidamada  gobolka Hiiraan ku sugan ee dowladda kadib markii dadweyne gargaar loo qeybinayay  ay fowdo sameeyeen, degaanka Ceel-jaale ee Duleedka Magaalada Baledweyne.

Dadkan oo ahaa kuwa ay waxyeeleeyeen colaada iyo fatahaadda Beleweyne waxaa gargaar u qeybinayay ciidamada Jabuuti ee  AMISOM, waxaana ciidamada Jabuuti  ku wehliyay ciidamada dowladda.

Buuq iyo Fowdo ka dhalatay qeybinta gargaarka  ayaa sababatay in ciidamada Dowladda Soomaaliya rasaas furaan, taasoo keentay inay ku dhintaan laba qof oo rayid ah.

Shilkan oo naxdin ku noqday dadkii goobta loogu qeybinayay gargaarka ayaa kala firxaday, waxaana xaaladda markii dambe qaboojiyay saraakiisha ciidamada Jabtuuti.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON