Friday, July 11, 2025

Dad shacab ah oo ku dhintay Hoobiyeyaal Alshabaab ku weerarreen Saldhigga Xalane & Garoonka Muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qasaare ka dhashay madaafiic Hoobiyeyaal ah oo ay saaka Alshabaab ku weerarreen xerada Xalane ee Garoonka Muqdisho.

Ilaa lix hoobiye ayaa ku dhacay xaafadda Tarbuush ee degmada Wadajir oo dhinaca ku haysa Xalane iyo Garoonka diyaaradaha, waxaana qasaare kasoo gaaray dad shacab ah, iyadoo wararku sheegayaain inay haweney ku dhimatay ilaa 5 qof oo kalena ay ku dhaawacmeen Hoobiyeyaasha.

Alshabaab ayaa sheegtay weerarka madaafiicda ee saaka lagu qaaday Xalane, waxayna ku sheegeen War ay soo saareen in 7 madfac ay la beegsadeen xarunta Xalane, kuwaasoo qasaare geystay.

Alshabaab ayaa joogto ka dhigtay madaafiicda hoobiyeyaasha ah ee ay ku weerarreyso Garoonka Muqdisho iyo Xerada Xalane oo ah saldhigga ugu weyn AMISOM, ayna ku yaallaan iyo safaaradaha shisheeye ee Muqdisho.

Ciidamada dowladda iyo Sirdoonka ayaan ku guuleysan inay joojiyaan weerarradan oo dhowaan xilka looga qaaday taliyihii saldhigga Booliska degmada Wadajir, balse waxaa muuqata inay sii kordheen.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON